XOG; Madaxweyne Farmaajo & Xildhibaan Axmed M/Fiqi oo la Heshiisiinayo & shaqsi caan ah oo ku dhex jira

Sida ay sheegayaan warar hoose oo ay heleyso Wakaaladda Warqaad.com ayaa sheegaya iney socdaan qorshe la isugu soo dhoweynayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi wuxuu ka mid yahay Siyaasiyiinta dhaliilsan hanaanka Dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Arrintaan dhex dhexaadinta ah ayaa waxaa ugu dun weyn madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf,waxaana isku soo dhoweynta ay ka soo bilaabatay socdaalkii Nabada ee madaxweyna Farmaajo uu kutagay Galmudug.

Xldhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ka mid ahaa Xildhibaano Labada Aqal ka tirsan oo madaxweyne Farmaajo ku soo dhoweeyay magaalada Dhuusamareeb,waxaana dadka siyaabo kala duwan u fasirteen Arrintaasi.               Madaxtooyada Soomaaliya ayaa mucaarado xoogan kala kulmeyso Siyaasiyiin iyo Xildhibaano tooska ku ifinaya qaladaadka Dowladda,islamarkaana iska indho tiraya Waxqabadka Dowladda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*