Xiisada Kenya oo meel xun gaartay & Siyaasi caan ah oo xabsiga la dhigay

Xukuumadda Kenyan ayaa xirtay siyaasiga ka tirsan mucaaradka oo ka qaybgalay xafladdii uu madxwaynanimada isugu dhaariyay Raila Odinga.

Booliiska ayaa gurigiisa ugu dhacay siyaasiga Miguna Miguna halkaasi oo ay ka soo qabteen. Xarigiisa ayaa ku soo beegmaya kadib siyaasi kale oo mucaaradka ka tirsan oo lagu magcaaabo Tom Kajwang oo Arbacadii isna la xiray.

Kajwang ayaa shalay damaanad ay ku sii deysay maxkamad ku taalla magaalada Nairobi. Waxa uu isna ka qayb galay xafladdii uu madaxwaynanimada isugu dhaariyay Raila Odinga.

Dhanka kale waxaa wali hawada ka maqan saddex Telefishan oo ay dowladda Kenya xirtay Talaadadii. Shalay ayay ahayd markii maxkamada sare ee Kenya ay amartay in dib loo furo telefishinadaasi.

Mr Odinga ayaa sheegay in uu isagu ku guulaystay doorashadii madaxwaynanimada sanaddii aanu soo dhaafnay balse looga shubtay.

Gudiga doorashada Kenya ayaa waxay sheegeen in doorashada uu ku guulaystay madaxwayne Uhuru Kenyatta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*