XOG: Thaabit oo Wasiir loo Magacaabayo & Wararkii ugu dambeeyay Isku Shaandheynta wasiirada

Xog gaara oo ay heleyso Wakaalada somalinewsnet.com.com ayaa sheegeysa in Guddoomiyihii Gobalka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed loo bandhigay inuu qabto xilka wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Isku shaandheynta lagu sameyn rabo xukuumadda ayaa la filayaa inuu qeyb ka noqdo Thaabit, walow aan la ogeyn inuu ogolaan doono xilkan.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha waxaa hada ah Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye waxaana Warqaad.com ay ogaatay in loo bedelayo wasaaradda Haweenka.

Wasiiro badan ayaa xilalka weynaya halka kuwa kalena xilal cusub loo magacaabayo, waxaana Thaabit Cabdi lagu qancin rabaa xilkan wasiirka dhalinyarada.

Kulamo gaar gaar ah oo ka socda Hotelada magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu dhex dhexaadinayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Thaabit.

Si kastaba ha ahaatee waxaan la ogeyn go’aanka uu qaadan doono Thaabit Cabdi maadaama madaxda dalka ay diyaar u tahay inay ka qanciso xilkii uu ka waayay Gobalka Banaadir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*