QOYS HAGAAG SAN YAA HELO

Bari baa waxa layidhi gabadh baa u tagtay nin loogu sheegay maskax badanaan iyo garaad sare oo tuulada ay ku nooshahay duleedkeeda dagen, dabadeed waxey ku tiri, Niyahow waxan kaa codsanayaa inaad isiiso wax odeygayga ad-adag ee qalafsan qalbigiisa ka dhiga mid I jecel oo ii dabacsan,  wuxuu ugu hal celiyey, waayahee waxaad ii keentaa waxyaalahan, waxbuu tiriyey waxaana ka mid ahaa tin laga soo gooyay libaax, gabadhii intey yaab afka kala qaadey ayey ku tiri sideen u keeni karaa, wuxu ugu jawaabey adey ku jirtaa sidaad u keeni doontid haddii aad dooneysid inaan codsigaaga kuu fuliyo, waaney iska baxdey. Intay jidka kusii jirtay waxey ka fakareysay sidii ay u gaadhi laheyd libaaxa tintiisa.

“Waxaaney u tagtay dad ay ku kalsoontahey oo khibrad u leh libaaxa, waxaaney waydiisay sidey ugu dhawaan laheyd libaaxa, iyana  kula taliyeen inaanu libaaxu waxba cunin hadduu gaajeysan yahey oo ay cunto siiso.”

Waxey tagtay dhir jiq ah, dabadeed libaax bay u gaysay hilbo uu cuno, sidaa ayaaney joogtaysay oo malin walba sameyn jirtey, iyadoo maalinba ta ka danbeysa usoo dhaweynaysa, ilaayo ay ka dareentay inay ka goosan karto tintii ay u heelanayd, dabadeed way kasoo goosatey, ninkii ay balanta ay kaga timina u keentay. Ninkii yaabay ku noqotay markuu arkey iyadoo sida tintii libaaxa,  waxaanu kula soo booday “ Maxaad sameysay si aad uga soo goysid tinta”, waxey tidhi waxaan yeelay maalin walba waxaan u geyn jirey wax uu cuno waanan u naxariisan jirey ilaayo uu I aaminayey, bas waxa uu u baahan yahey naxariis iyo sabir, libaaxana waxa eed qalbiigiisa ugu dhaweynaysaa waa calooshiisa iyo dhabar adeyg”

Ninkibaa yidhi dee hadaba ninkaagu miyuu ka cadaawad iyo ad adeyg badan yahey libaaxa, kaliya ogow halka aad qalbigiisa ka galaysid adoo sabrayana.

Sheekadani waxey ina tusaysaa wixii lagu dadaalo in la gaadho haba badnaadaan godadka, dhagaxaanta iyo buuraha ku horyaalaye inaad ka midho dhalin kartid, haddii aad ku dadaasho inaad qoyskaagu noqdo mid farxad iyo raynrayn kuwada noolaadaa.  sabirkeeda, dulqaadkeeda waa inaad soo horeysiisaa si aad midhaha u gurato ileen geed aanad beeran midhihiisa arki mayside.

 

fikir kaaga waa no muhiiim

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*