Fariimo Jaceyl Oo Calaacal Ah

Qoraxda Waxa Ay Soo Dirtaa Dahab Dayaxana Dheeman Anna Waxaan Kuu Soo Dirayaa….
1- Waa dareen aad u macaan badan marka aad
ogaato in uu jiro qof ku raadinaya marka aad
maqan tahay .
2- Haddii la i yiraahdo kala dooro hantidada
Qaaruun iyo jaceylkaada waxaan dooran lahaa
hantida Qaaruun si an hadiyad ahaan aan kuugu
keeno .
3- Imisa dayax ayaa jirta ? waa labo mid cirka jira
iyo midka aqrinanaya fariintaan waana adiga .
4- Qofka waa uu iloobaa wax uu soo iibsaday ,,,,
balse ma iloobo qalbi uu jeclaaday .
5- Qoraxda waxa ay soo dirtaa dahab dayaxana
Dheeman anna waxaan kuu soo dirayaa
jaceylkeyga oo waligiis taagnaanaya .
6- Haddii la isu geeyo maalmaha farxadda ee
nolosheyda dhab ahaan xittaa ma gaarayaan hal
daqiiqo ee aan kula joogay .
7- Waxaan filayaa in hooyadaa ay aheyd Shini,, ma
dareensan tahay sababta? maxaa yeelay malab
ayay dhashay waana adiga.
8-. Dayax ayaan kuu soo diray si uu wadada kugu
ifiyo ,, isaga oo careysan ayuu igu soo laabtay
waxaan ku iri maxaa kugu dhacay markaas ayuu
iigu jawaabay waxaad ii dirtay iftiin indhaha iga soo
riday

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*